U bood dhigaalka

Muqdisho: Booliiska Oo Soo Bandhigay Rag Dhac u Geysan Jiray Dadka Shacabka Ah

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay rag la sheegay iney yihiin burcad habeenkii dadka taleefannada ka qaadan  jiray.

Ragga lasoo qabtay tiro ahaan waa Afar, waxaana taliska uu sheegay in ay shacabka ku dhici jireen Mootooyin bajaaj iyo qori.

Qaasim Axmed Rooble, Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sheegay in raggan sidoo kale lagu soo qabtay Taleefanno badan oo gacanta kuwa lagu qaato ah.

Waxa uu Afhayeen Qaasim uu sheegay in raggan muddo badan la baadigoobayey, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga la horgeyn doono.

Ciidamada Booliisa ayaa maalmahan dambe waxay Muqdisho ka wadeen howlgallo ay ku baadigoobayaan dhallinyaro hubeysan oo dhac u geysanaya dadka shacabka ah.

Goobjoog News