U bood dhigaalka

Musharrax Ka Tanaasulay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah musharraxiintii u taagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada.

Musharrax Cabdullaahi Cali Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook, waxa uu kaga hadlay sababta uu u tanaasulay.

Waxa uu sheegay in dalkaan uu u baahan yahay hoggaan adag, isbedal degdeg ah gelin kara, islamarkaana isaga tanaasulkiisa ay soo dedejisay markii uu arkay musharraxiinta badan ee xilkaan u tartamaya.

Qoraalka Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sidan u qoran:

Anigaoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wuuxuu ku saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:

Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.

Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar un madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.

Anigoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahannada, dhallinyarada, haweenka, duubabka, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynenimo ka tanaasulo waqtigaan.

Waxaan mahad ballaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa, wxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.