U bood dhigaalka

Musharraxiin Qaadacay Doodda Xubnaha u Taagan Xilka Madaxeynaha

Sheeko:Dalka

Inta badan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadacay doodda musharraxiinta oo loo  ballansanaa iney maanta dhacdo.

Musharrax Maxamed Cali Amaariko oo goor dhow la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in badi musharraxiinta ay isku raaceen go’aanka ah inaan laga qeybgalin dooddaasi, isaga oo sidoo kalena inoo sharaxay sababta ay ku qaadaceen.

Waxa uu tilmaamay Mr Ameeriko in laga baxay is faham horey u dhexmaray musharraxiinta iyo guddiga doorashada kaasi oo ku aadanaa qaabka tabinta doodda iyo sidoo kale cidda dhex dhexaadin doonta.

Ballanta ayuu sheegay iney ahayd in dhammaan Talefishinnada iyo Idaacadaha dalka ee madaxa banaan ay si isku mid ah u tabiyaan, balse kaliya lagu soo koobay iney tabiso warbaahinta qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Musharrax Madaxweyne, Maxamed Cali Amaariko ayaa sheegay in waxyaabaha ay diiddan yihiin kamid tahay arrinta ku aadan cidda dhex dhexaadineysa doodda, taasi oo uu sheegay in lagu heshiiyey wada tashi in laga geliyo balse aysan dhicin.

Ugu dambeyn Maxamed Cali Amaariko ayaa tilmaamay in gelinka dambe ee maanta ay saxaafadda kula hadli doonaan magaalada Muqdisho iyaga oo ah musharraxiin dhowr ah, ayna shaacin doonaan arrintaan iyo qodobada kale ee ay ku diideen doodda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News