U bood dhigaalka

Muslimiinta Caalamka oo u Dabaaldegaya Sanadka Cusub ee Islaamka 1437

Sheeko:Dalka

Maanta waa sanadka cusub 1437 ee Sanadaha Islaamka, Sanadaha Islaamka waxaa ay leeyihiin Taariikh soo jireen ah oo mudan in lagu faano, loogana sheekeeyo yar iyo weyn.
Shaki kuma jiro in ummad kastaa ay leedahay taariikh ay ku faanto oo muhiim u ah noloshooda xadaaradeed iyo horumarineed.

Hadaba haddaan nahay Muslimiinta adduunka waxaan leenahay taariikh aad u qiima badan oo ay mudan tahay in laga hadlo waana taariikhda Hijraga .

Taariikhda hijriga ah waxaa laga bilaabay Hijradii nabiga( NNKH )uu ka hijrooday magaalada Makka una hijooraday magaalada Madiina oo ahayd 22 Rabiic Al awal oo ku beegan 24/September/622 Miilaadiga.
Saxaabadii Nabigu waxay isku raaceen in taariikhda laga bilaabo maalintii Hijrada oo ahayd maalintii ugu muhiimada badnayd Umadda muslimiinta ah , waayo ?

Waa maalintii ugu horreysay ee la aasaasay dowlad islaaamka ee ugu horreysay, waa maalintii islaamku galay khatartii ugu badanayd oo ay ku dhawaatay in Nabiga ( NNKH)la dilo. Iyadoo ay jirtay in ra’yiyo kale oo ahaa in laga bilaabo taariikhda islaamka dhalashadii Nabiga( NNKH) ama markii la soo saaray ee risaalada lagu soo dajiyay ama markii uu geeriyooday.
Waxaana go’aanka la gaadhay xiligii uu xukunka islaamka hayay Cumar Binu Khadaab (RC) sanadkii 16aad ama 17aad ee hijriga culumadu way isku yara khilaaf sanyihiin halkaa.

Waxay is dheeryihiin labada taariikhood waa 11cisho oo ah wareega dayaxu uu ku wareego dhulka 12jeer waa 354maalin , taariikhda miilaadiga ah dhulku waxa uu qoraxda ku wareega halmar 365maalin.
Bilaha Hijriga Magacyadooda:

  1. Muxaram
  2. Safar
  3. Rabii’ul-Awal.
  4. Rabii’ul-Thani
  5. Jamaadul-Awal.
  6. Jamaadul-Thani.
  7. Rajab(Bil Barakysan)
  8. Shacbaan
  9. Ramadaan
  10. Shuwaal
  11. Dul-Qa’da(Bil Barakaysan)
  12. Dul-Xij (Bil Barakaysan)

Goobjoog News waxaa ay u rajeyneysaa ummudaha Muslimiinta Barwaaqo iyo Hor-umar in sanadkan kiisa kale ku gaaraan.