U bood dhigaalka

Naafada Ku Dhaqan Degmada Baardheere Oo Gurmad Dalbaday

Sheeko:Dalka

Dadka naafada ah ee ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ay sheegeen in muddo ah ay ku jireen, iyaga oo dhanka kalena gurmad dalbaday.

Ibraahim Faarax Af-dheere, guddoomiye ku xigeenka ururka naafada Baardheera ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay iney u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Waxa uu tilmaamay in hadda waxa ugu daran ee ay u baahan  yihiin ay tahay qalabkii ay ku soconayeen, sida baaskiilada iyo biraha isaga oo sheegay in 700 naafo ah ay u baahan yihiin iney helaan wixii ay dadka ku dhex socon lahaayeen.

“Wadankii abaar baa ka jirta, naafada waxay u baahan yihiin qalabkii ay ku soconayeen, hadii aan helo karno wixii kale ee nolosha lagu maareyn karana waan soo dhoweyneynaa, waxaan dooneynaa in naloo gurmado dowlad iyo shacab intaba” ayuu yiri Af-dheere.

Ugu dambeyn Afhayeen Ibraahim Faarax ayaa sheegay in il gaar ah lagu hayo naafada u dhaqan degmada Baardheere oo uu sheegay iney yihiin dad aad u jilicsan.

Goobjoog News