U bood dhigaalka

Nabadoon Xaad Oo Baaq Nabadeed u Diray Beello Ku Dagaallamay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay beello walaalo ah oo maalintii shalay ahayd ku dagaallamay deegaanka Labi Caanood oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay Nabadoonka in wax laga xumaado ay tahay in xilligaan dagaallo u abaabulan qaab beeleed ay ka dhacaan gudaha dalka, isaga oo ugu baaqay waxgaradka gobolkaasi in arrintaani ayu farogeliyaan.

“Waa wax aan ka waxgarad ahaan ka xunnahay in dagaal mar kale ka dhaco Galgaduud, aad ayaan uga tiiraayeesan nahay in dib loogu laabto dagaal sokeeye, dagaal faa’ido ma keenayo, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo, waxaan kaloo baaq u dirayaa waxgaradka ku dhaqan deegaanka oo aan leeyahay kala dhexgala dhinacyada dagaallamay” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Labi Caanood ee gobolka Galgaduud waxaa ku geeriyootey ugu yaraan 6 qof oo u badan dhinaycadii dagaallamay.

Dhanka kale wararka ka imaanaya deegaanka Labi Caanood maanta oo Axad ah waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirtto xiisad u dhaxeysa beelihii shalay halkaasi ku dagaallamay.

Goobjoog News