U bood dhigaalka

NASA: Dayax Weyn Oo Iftiin Badan Ayaa Caawa Dunida Laga Arkayaa

Sheeko:Dalka

Caawa waxaa dunida laga arki doonaa dayax aad u weyn oo iftiin badan, waa arrin mar kale dib u dhici doonta November 25, 2034, sidaa waxaa sheegay hey’adda NASA.

Dayaxa caawa waxaa la arki doonaa isagoo dhameystiran, 70 sano ka hor ayaa ugu dambeysan in sidan oo kale dayax oo dhameystiran.

Dayaxa Waxaa uu Caawa Dhulka u soo jirsan doonaa ilaa 348,000 KM, waxaa ay dadka si buuxda u arki doonaa dayaxa oo ka iftiin iyo mug weyn sidii hore, arrintaas oo dad badan oo culuumta Falaga jecel ay aad u daneynayaan.

Goobjoog News