U bood dhigaalka

Haweenka Degmada Dhuusamareeb Oo u Istaagay Ka Shaqeynta Bilicda Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Olole nadaafadeed ayaa ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud halkaas oo maalmihii dambe la arkayay iyagoo ololahan si xowli ah uga soconaya halkaa.

Haweenka ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa wada ololahaan nadaafadeed ee ka soconaya dhammaan xaafadaha magaaladaasi.

Waxay sheegeen mar ay la hadleen warbaahinta in haweenka oo qudha ay soo qabanqaabiyeen islamarkaana ay uga hortagayaan cudurrada faafa.

“Annagoo ah haweenkii magaalada ayaa soo agaasimay ololahaan nadaafadeed oo lagu gurayo qashinkii magaalada yaallay, waxaana hadda qabanay in waddooyinka waa weyn ee magaalada aan ka nadiifinno qashinkii yaallay” ayay tiri haweeneey u hadashay haweenkaasi.

Haweenkaan iskood isku agaasimay ayaa farriin u diray ganacsatada magaalada Dhuusamareeb iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaaladaasi waxayna ugu baaqeen inay ka qeyb qaataan ololahaan nadaafadeed oo ay ka billaabeen magaaladaasi.

Ugu dambeyn waxaa maalmahan waddooyinka waa weyn ee magaalada Dhuusamareeb lagu arkayay haween ku howlan hagaajinta waddooyinka xaafadaha magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo doonaya in ay dib u soo celiyaan bilicdii magaalada ay lahayd.

Goobjoog News