U bood dhigaalka

Puntland: Ma Joojineyno Dhismaha Maxjarka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan joojin doonin dhismaha maxjarka magaalada Gaalkacyo, kadib dagaal ka dhashay dhismaha Maxjarkaasi.

Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabduulaahi warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha Maxjarkaasi ahaa go’aan ay iyagu gaaareen dhismihiisa, islamarkaana aan laga laaban doonin go’aankaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ma joojineyno dhismaha maxjarka Gaalkacyo, Puntland horey bay u socotaa, waa horumar la sameynayo, annagane qorshaha inooguma jiro inaan joojinno dhismahaasi” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiir Warsame ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in xilligaan uu socdo wada hadal u dhaxeeya iyaga Galmudug, kaasi oo lagu xallinayo dagaallada magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in nabadda Gaalkacyo ay ka go’do oo kaliya dadka wada deggan magaaladaasi iyo waxgaradkooda oo isku yimaada, islamarkaana aaney ka go’in wasiiro Labada dhinac ah.

Dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News