U bood dhigaalka

Puntland Oo Baareysa Maxaabiis Dhawaan La Xukumay In Ay Ku Jiraan Kuwo Aan Qaangaarin

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan waxa ka jira in dhallinyaro ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo dhawaan la xukumay ay ku jiraan kuwo aan qaangaarin.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda maamulkaasi Saalax Abiib ayaa sheegay in arrintan ay baaritaaan sameyn doonaan guddi ka kooban xubno ka socda wasaaradiisa, xeer ilaalinta, dambi barista iyo dhaqaatiir.

Wuxuu sheegay in xukunka la waafajiyey oo kaliyaa sharciga dalka u yaalla, islamarkaana haddii ay jiraan caruur lagu qaldamay la ogaan doono.

Wasiir Abiib ayaa sheegay in marnaba aanay carruur xukumi doonin, wixii carruur ahna ay dhaqan celin u sameyn doonaan, islamarkaana ay maskaxdooda ka saarayaaan fikiro qaldan oo uu sheegay inay kusoo shubeen Xarakada Al-shabaab.

18-kii June 2016 ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland waxay xukun dil ah ku ridday 43 maxbuus oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab kuwaa oo lagu qabtay dagaallo ka dhacay Mudug iyo Nugaaal.

Goobjoog News