U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Qaxootiga Suuriya Oo Dib Loogu Celiyey Dalkooda

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad 500 qaxooti Suuriyaan ah oo ku suganaa Koofurta dalka Lubanon ayaa dib loogu celiyey meelo u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishqa.

Dadkan ayaa awal horay uga soo cararay Suuriya dagaallada Sokooye ee ka socda awed.

Qaxootigaan ayaa la iskugu keenay meel lagu magacaabo Shacba eek u taallo Koofurta Lebanon, waxaana lagu daad gureeyay gawaaridada Basaska ah iyaga oo marsiinaya xaduudka Lebanon iyo Suuriya si ay u geeyaan goobaha u dhow Dimishqa.

Barnaamijkan dib u celinta Qaxootiga Suuriya ee ku sugan Lebanon waxaa abaabulay mas’uuliyiin iskugu jira labada dal.

Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in Qaxootiga Suuriya aysan ku laaban Karin dalkooda sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Goobjoog News