U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: 26,819 Oo Qaxooti ah Ayaa Doonaya In Soomaaliya Dib Ugu Laabtaan

Sheeko:Dalka

Hey’adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa 26,819 oo qaxooti Soomaali ah ay doonayaan in ay dib ugu soo noqdaan dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey waxaa ay kaloo sheegtay in tiro dhan 2,525 ay doonayeen dib ugu noqoshada Soomaliya inta u dhaxeysay 16-30 September ee sanadkan.

Dhinaca kale tirada qaxootiga ah ee Soomaaliya dib ugu soo laabtay tan iyo December 8, 2014-kii, waxaala sheegayaa in ay dhan yihiin ilaa 30, 32,949.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo weliba hey’adda qaxootiga adduunka ayaa ku heshiiyay in qaxootiga Dhadhaab ku jira Soomaaliya dib loogu celiyo si iskood ah oo aan qasab aheyn.

Tiro ka badan 300,000 oo qaxooti ah ayaa ku jira xerada qaxootiga Dhadhaab, dadkan ayaa halkaas tagay inta badan burburkii kadib 1991-kii iyo abaartii dalka ka dhacday 2011-kii.

Goobjoog News