U bood dhigaalka

Qaramada midoobey: Gaajo ayaa handadeysa nolosha hal malyan oo Soomalia ah

Sheeko:Dalka

Qaramada midoobey ayaa ka digtay xalaada duruufta adag ee dhanka nolosha ah ee sii xumaaneysa kana jirta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dadka ayay leedahay qaramada midoobay waxay ku noolyihiin xilligani daruuf adag oo dhanka nolosha ah taasi oo qarka u saaran heerka macluusha.
Qiimaynta qaybta falanqaynta hubinta cuntada iyo nafaqada ee qaramada midoobay iyo shabakada sida hordhaca ah uga digta macluusha ayaa muujinaysa in saddex sano kadib abaartii dalka soo martay ee sababtay dhimashada 260, 000 oo qof oo u badan carruur ay haatan jirto cabsi laga qabo in dalku uu mar kale wajaho macluul.
1 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa ku jira xaalad degdeg ah oo dhanka cuntada waxaana gobaladda qaar sare u kacay qiimaha raashinka labaatan boqolkiiba lixdii bilood ee sanadkani.

Labada urur ayaa sheegay in horumar waagsan oo laga gaari lahaa xalinta mushkilada sii cusleysiisay roobabka oo liitay, sare u kaca qiimaha raashinka iyo colaada oo intuba carqalad ku ah ganacsiga iyo samafalka gargaarka,islamarkana ay taasi keentay in xaaladda cuntada sii xumaato.

W/D: Cabdiraxmaan Daahir Guutaale (Maaliki)