U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Cabsi Ka Muujineysa Abaaraha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hey’adda Qaramada Midoobey ayaa cabsi ka muujinaya saameynta abaaraha ka dhaca Soomaaliya, iyada oo sheegeysa in sanadkan gudahiisa laga yaabo illaa 1.2 milyan oo caruur ah soo wajahdo nafaqo darro, caruurtaasi  232,000 ka mid ah waxaa loo cabsadaa noloshooda.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan la bahsannay gaajo la filayey sanadkii tagay, waxaana muhiim ah in dadaal ku bixinno sidii aan aan uga adkaan laheyn dhibaatada abaarta” sidaasi waxaa yiri, Peter de Clercq oo ah ku xigeenka ergeyga gaar ah ee Xogheyaha Q.M ahna u qeysanaha u jooga iyo isuduwaha gargaarka banii’aadnimada.

“Horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowladnimada, Soomaaliya waxaa ay cagta saartay jidka saxda ah, in kasta oo dhibaatooyin jiraan dalka waxaa uu leeyahay hey’ado shaqeeya” sidaasi waxaa yiri Mr. de Clercq.

Arrimaha walaaca jira, waxaa laga sheegay shirka qorshaha gar-gaar ee arrimaha bini-aadanimadda sanadka 2018 ee arbacadii ka dhacay Muqdisho, kaas oo dunida laga codsaday illaa $1.6 Bilyan loogu talo-galay arrimaha banii’aadnimada.

Goobjoog News