U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Soo Dhaweysay Sharciga Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

Sheeko:Dalka

Ergeyga Xogheyaha guud ee qaramada midoobey  u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa ammaanay  saxiixa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

Michael Keating waxaa uu sheegay in sharcigan uu dowladda awood u siin doono ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xitaa ka hortagga wax walba oo wax u dhimaya.

“ waa war ay ku farxaan Soomaalida, waxaan ugu hambalyeynaa dowladda iyo hey’adaha bulshada rayidka ah halkan ay gaareen si loo xushmeeyo xuquuqda aadanaha” sidaa waxaa yiri Michael Keating.

Keating waxaa kaloo uu hadalkiisa ku ammaanay wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Sahro Cali Samatar, dadaalkii ay ka geysatay arrinkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa axaddii si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

Goobjoog News