U bood dhigaalka

Qarax Ay Dad Ku Dhaawacmeen Oo Ka Dhacay New York

Sheeko:Dalka

Ilaa 29 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Chelsea, Manhattan ee magaalada New York, qaraxan oo dhaawacyo ka dhasheen waxaa uu cabsi geliyay dadka ku dhaqan magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan New York ayaa sheegaya in baaritaanno ay socdaan si loo ogaado waxa qaraxa sababay, inkasta oo dadka qaar ay sheegayaan in uu meel dumpster ama qashinka lagu keydiyo uu ka dhacay.

Madaxa Booliiska magaalada New York ayaa waxaa uu sheegayaa in ay qaraxa uu ka dhacay Qashinshub laakin ay dhici karto in wax kale oo qarxa halkaas la geliyay.

Goobjoog News