U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow waxa uu ku qarxay xaafadda Suuq Bacaad, degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen kahor inta gaarigan uu qarxin, waxaana la tilmaamay in wadihii gaariga uu isku dayey inuu halkaasi ka baxsado, balse ciidanka ay qabteen.

Gaariga ayaa si iskiis ah u qarxay, lama sheegin illaa hadda khasaare halkaasi ka dhashay.

Saraakiisha amniga gobolka Banaadir weli wax war ah kama aaney soo saarin qaraxan, waxaana gaariga qarxay noociisa lagu sheegay SURF.

Xaaladda halka qaraxa uu ka dhacay waa mid deggan, iyadoo wararka ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay hayeen xogta gaarigan, islamarkaana ay ku raadjoogeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News