U bood dhigaalka

Qatar Oo Ka Jawaabtay Tilaabada Xiriirka Loogu Jaray

Sheeko:Dalka

Dalka Qatar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka  dalalka Imaaraadka, Sacuudiga iyo Baxreyn ay ku jareen xiriirka Diblomaasiyadeed.

Qatar, waxaa qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid lagu fududaaday oo laga shidaal qaatay eedeymo aan sal iyo baar laheyn.

Doxa waxaa ay mudaawdiniinteeda u sheegtay in aaney noloshooda wax isbadal ku imaan doonin, isla markaana ay ka hor tagi doonaan wax walbo oo saameyn xun ku yeelanaya bulshada iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Ugu dambeyntii waxaa ay Qatar wax lagu xumaado ku tilmaantay in dowladahaasi 3-da ah aaney arag dhibaatada heysata shacabkooda ee ay qeyb ka noqdeen dhibaateynta  Doxa.

Goobjoog News