Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay waddo Dowladda Federaalka, iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Qaranka.