Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farxan Al-Saud, ayaa yeeshay wada-hadal dhanka taleefanka ah oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.