Puntland oo Sheegtay in aysan Gorgortan ka Galayn Midnimada Soomaaliya
Sheeko:Midnimada Soomaaliya
Puntland oo markii ugu horreysay ka hadashay Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland ayaa sheegtay in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo si cad u diiday tallaabo kasta oo lagu wiiqi karo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo wareysi siiyay Radio Daljir, ayaa sheegay in aysan jirin qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah xorriyad u qaadatay, isagoo xusay in dhammaan gobollada dalka ay ka mid ahaayeen hal dowlad oo mideysan
Hadalkan ka soo yeeray Puntland ayaa imanaya xilli uu dalka wajahayo xiisado siyaasadeed iyo halis ku saabsan midnimada, ka dib markii Israa’iil ay dhowaan aqoonsatay Soomaaliland.