Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Isra1l ay ku sheegtay aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo gardarro ah, sharcidarro ah, kuna ah dagaal qaawan midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.