Madaxtooyada Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in 10 dal oo reer galbeed ah ay go’aansadeen inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, ayadoo go’aankan lagu soo bandhigi doonaa shir caalami ah oo Isniinta dhici doona, kaas oo barbar socda shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.