1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mareykanka oo duqeeyay fariisimo ciidan oo ku yaalla dalka Suuriya Milateriga Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, tillaabadaas oo taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerarro ugu ciidamada Mareykanka ay ku soo qaadeen kooxo xulafo la ah Iran oo dalkaas ka howlgala.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo xilalkii ugu horreeyay magacaabay Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa magacaabay Thomas Homan oo horey u ahaa ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka, inuu noqdo Agaasimaha Arrimaha Xuduudaha Mareykanka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Maxaa looga hadlay wada hadalladii ugu horreeyay ee dhexmara Trump iyo Putin? Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wada-hadalkii ugu horreeyay ee telefoonka ah la yeeshay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Qatar oo ku dhawaaqday in ay joojisay doorkeeda dhexdhexaadinta Xamas iyo Isra’il Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dadaalkii ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Rabshado ka dhacay doorashadii dhowaan ka dhacday Mozambuque oo weli socda iyo dad ku geeriyooday Rabshado ka dhashay doorashadii horraantii bishii oktoobar ka dhacday Moazambique oo murashaxa xisbiga talada haya ee frelimo la sheegay inuu ku soo baxay ayaa weli dalkaas ka socda, kuwaas oo sababay waxyeello baaxad leh.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Hay’adaha Xuquuq aadanaha Itoobiya oo sheegtay inay baarayso Xasuuq ka dhacay dalkaas Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dil wadareed loo geystay 48 qof, kuwaas oo lagu toogtay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda falkan dusha ka saartay jabhadaha halkaas ka dagaalamaya.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xogihii ugu dambeeyay ee baaritaanka eedaysane Haashim Dhaqane Muxamed iyo kiis kale oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa Dembi-baarayaasha dalka Kenya ee ku howlan ka sal-gaaridda galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxumed oo loo haysto dilka 3 gabdhood oo isku qoys ahaa ayaa soo bandhigey caddaymo hor leh oo muujinaya dilka gabar kale oo lala xariirinayo inuu ninkaasi ku lug lahaa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Sidee dunidu uga falcelisay dib u doorashada Donald Trump? Madaxweynihii hore dalka mareykanka Donald Trump ayaa si yaab leh ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka, asagoo ka adkaaday haweenaydii la tartamaysay ee kamala Haris.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ruushka oo beeniyay falal qalqal-gelin ah oo ka dhacay goobaha codbixinta ee Mareykanka Dowladda Ruushka ayaa beenisay eedeymo la xariira inay ku lug leeyaday hanjabaado la xariira in bambaanooyin lagu weerarayo goobaha codbixinta doorashada Mareykanka.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dadka ku dhintay weerarada Israa’iil ee Lubnaan oo 3 kun kor u dhaafay Dadka ku geeriyooday weerarada maamulka Israa’iil uu ku hayo dalka Lubnaan ayaa 3,000 oo qof sare u dhaafay, halka dhaawacyaduna ay 13,492 marayaan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dalkaasi