1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 25 tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha Comoros Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay xeebaha dalka Comoros ka dib markii ay la degtay doon ay saarnaayeen oo mareysay badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Comoros, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Israa’iil oo xariirka u jartay hay’adda Qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga falastiin Wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa Qaramada Midoobay ku wargalisay warqad rasmi ah oo ay ku doonayso inay u jarto xariirka ay la leedahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 14 qof oo ju geeriyootay biriq ku dhacday Kaniisad ku taalla dalka Uganda 14 qof ayaa ku dhintay, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii biriqi ay ku dhacday kaniisad ku taal degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda, sida ay booliisku sheegeen
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mareykanka oo B-52 ku xoojiyay difaaciisa Bariga Dhexe Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, kuwaas oo loo yaqaan B-52 bombers, ayaa gaaray Bariga Dhexe, iyagoo ka yimid saldhigga cirka ee Minot, gobolka North Dakota.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Dowladda Lubnaan oo shaacisay tirada dadka ku dhintay duullaanka Israa’iil Ku dhowaad 3 kun oo ruux ayaa ku geeriyooday duullaanka maamulka Israa’iil ee dalka Lubnaan, waxaana xog ay dowladdu soo saartay ay tilmaamaysaa inay dad badani ku naf waayeen duqeymaha iyo duullaanka dhulka ah ee Israa’iil
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay dhisme ay weerartay Israa’iil Weerar diyaaradaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen dhismo shan dabaq ah oo deegaan ah oo ku yaal Beit Laxyia, waqooyiga Qasa ayaa lagu soo waramaya in uu geystay khasaare lixaad leh.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Masar oo lagu eedeeyay inay oogolaatay inuu dekadeheeda adeegso markab walxa qarxa u wada israa’iil Dowladda masar ayaa lagu eedeeyay inay adeegsiga dekadeheeda u oggolaatay markab shixnad hub ah u wada maamulka israa’iil ee gumaadka dadka falastiin iyo Lubnaan ku howlan.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka ku dhowaad 100 dumar ah oo 3-dii bilood ee la soo dhaafay dil iyo afduub loogu geystay Kenya Ku dhawaad 100 haween ah ayaa lagu dilay dalka kenya saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo dhibaatada iyo halis dumarku ay jawahayaani ay sii kordhayso, sida laga soo xigtay laamaha nabad-gelyada dalkaas.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu diley rabshado ka dhacay dalka mozambique Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhowaan ka dhacday dalka Mozambique sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Mareykanka ayaa sheegay in Kuuriyada waqooyi ay Ruushku u dirtay in 10 kun oo askari oo qeyb-galaya dagaalka Ukraine Waaxda gaashaandhigga mareykanka ayaa sheegtay in kuuriyada waqooyi ay Ruushka u dirtay in ka badan 10,000 oo askari si ay u biritaaraan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada dalka Ukraine.