2 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Wararkii Ugu Dambeeyay Isbitaallada Iran oo Buux dhaafay iyo banaanbaxyadda oo sii xoogeystay Shaqaalaha saddex isbitaal oo ku yaalla dalka Iiraan ayaa sheegay in xarumahooda caafimaad ay buux dhaafiyeen bukaanno dhintay ama dhaawacmay, iyadoo ay sii socdaan mudaaharaadyada waaweyn ee looga soo horjeedo dowladda.
1 daqiiqo Sheeko:War Soomaaliya oo Cambaareysay Duqeynta Safaaradda Qatar ee Kyiv Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku muujinayso walaac xooggan oo ku aaddan burburka soo gaaray Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Qatar ku leeyahay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
2 daqiiqo Sheeko:War Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Jawaabtay Warbixin Ka Soo Baxday Mareykanka Kuna Saabsan Bakhaarka WFP Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula socoto war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriiray eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).
2 daqiiqo Sheeko:War DFS Oo Baaraysa Wararka Ku Saabsan Imaanshaha Hoggaamiyaha STC, Kuna Adkaysatay Madax-bannaanida Hawada Soomaaliya Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaaca ka qaaday in ay bilowday baadhitaan degdeg ah kaddib warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in hoggaamiyaha Golaha Ku-meelgaarka Koonfurta Yemen (STC), Caidaruus Al-Zubaidi, uu soo maray ama yimid dhulka Soomaaliya, iyada oo aan jirin oggolaansho rasmi ah.
2 daqiiqo Sheeko:War Sidee ayuu Al-Zubaidi Muqdisho kusoo maray intii uu ka baxsanayay Yemen? Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiya ee ku lugta leh dagaalka Yemen ayaa sheegay in hoggaamiyaha Golaha Ku-meelgaarka Koonfurta Yemen (STC), Caidaruus Al-Zubaidi, uu ka baxsaday Yemen kadib markii uu ka baaqday wadahadallo nabadeed oo ka socday Riyadh, isaga oo sii maray Somaliland kuna dambeyay Imaaraadka Carabta.
2 daqiiqo Sheeko:War Golaha Madaxtooyada Yemen oo xilkii ka qaaday Caydaruus Al-Zubeydi iyo warar sheegaya inuu doon ku yimid Soomaaliya Golaha Hoggaanka Madaxtooyada ee dalka Yemen ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah xilkii uga qaaday hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Caydaruus Al-Zubeydi iyadoo isla markaana dacwad lagu soo oogay loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaas.
2 daqiiqo Sheeko:War Wang Yi oo Socdaal Diblomaasiyadeed ku Maraya Soomaaliya iyo Dalal kale oo Afrikaan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa billaabay socdaal diblomaasiyadeed oo muhiim ah kaas oo uu ku marayo dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Trump oo laga cabsi qabo inuu weeraro jasiiradda Greenland iyo NATO oo war ka soo saartay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in Greenland ay kamid noqato dalkiisa, hadalkaas oo ay xeeldheereyaashu ku fasireen in Washington ay qorshaynayso inay xoog ku qabsato is maamulkan sharci ahaan ka tirsan Denmark.
1 daqiiqo Sheeko:War Maleeshiyaad ku dagaallamaya Galbeedka gobolka Mudug Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dagaal xooggan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ka qarxay deegaanka Taaroge.
2 daqiiqo Sheeko:War Xoojinta Isbaheysiga Muqdisho iyo Riyadh: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga ka dib taageeradii isbaheysiga Yemen Magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hadda noqotay barta ay ku dhowdahay indhaha siyaasadda gobolka, ka dib markii ay halkaas gaareen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ah booqasho weyn oo uu halkaas ku tegi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.