Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Federaalka, isaga oo sheegay in “Somaliland ay weligeed qayb ka tahay Soomaaliya, kana mid tahay nidaamka dowladnimo ee dalka.”