Mareykanka oo qaadanaya kheyraadka Dalka Ukraine Ukraine ayaa ogolaatay qodobbo ku jira heshiisyada macdanta waaweyn ee ay Maraykanka la galayso , sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ku sugan magaala-madaxda Kyiv. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Faransiiska oo sheegay inuu adeegsan doono awooddiisa Nukliyeerka si uu u difaaco Yurub Xilli Mareykanku uu dhowaan shaaciyay inuu dalka Jarmalka kala baxayo hubkiisa culus iyo ciidamada ka jooga, ayaa Faransiisku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay buuxinta kaalintaas ay bannaysay Washington.
1 daqiiqo Ciidanka Israa’iil oo dad Suuriyaan ah ka shaqaalaysiinaysa dhul ay dalkaas horay uga qabsadeen Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegtay in hay’adaha ammaanku ay isku diyaarinayaan sidii ay u qaabili lahaayeen shaqaale ka socda Suuriya oo ka shaqayn doona dhismaha iyo beeraha dhulka ku teedsan buuraleyda Golan ka dib codsi uga yimi golaha deegaanka.
1 daqiiqo Qarax ka dhacay Qunsuliyadda Ruushka ee magaalada marvielle ee dalka Faransiiska Qarax xooggan ayaa subaxnimadii Isniinta maanta ah laga maqlay agagaarka Qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Marseille ee dalka Faransiiska, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha Faransiisku.
1 daqiiqo Koonfur Galbeed oo dil ku xukuntay nin Ayeeydiis ku gowrcay Shabeellaha Hoose Maxkamadda Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Yuusuf Jeylaani Seef, kaddib markii lagu helay dambiga dil bareer ah oo uu u geystay ayeeydiis, Xaawo Cabdi Xasan (Afikirow), 4-tii bishan, gudaha Degmada Awdheegle.
3 daqiiqo Soomaaliya iyo Itoobiya oo war saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shir Taliyaasha ciidamada labada dal ay Muqdisho ku yeesheen Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya.
1 daqiiqo Madaxweyne Faransiiska oo xagjiriin islaami ah ku eedeyay weerar ka dhacay dalkiisa Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa fal argagixiso oo Islaamiyiini ay ka dambeeyaan ku tilmaamay weerar toorey loo adeegsaday lagu qaaday askar boolis ah oo ku sugnaa magaalada Mulhouse ee bariga dalkaasi.
2 daqiiqo Xiisadda u dhexeeysa dowladaha Kenya iyo Suudaan oo cirka isku sii shareeraysa Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dowladda Suudaan ee uu hogaamiyo Jeneraal Abdel Fattah al-Burhaan ayaa cirka isku sii shareeraysa, waxayna labada dal saacidihii la soo dhaafay hawada isku mariyeen eedeymo culus.
1 daqiiqo Khilaafka Kenya iyo Suudaan oo xoogeystay Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan.
1 daqiiqo Trump oo ka soo horjeestay in madaxweynaha Ukraine uu qeyb ka noqdo wada-hadallada ku saabsan xaaladda dalkiisa Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ukraine aysan muhiim ahayn inuu ka qeyb-galo wada-hadallada iyo dadaallada uu wado Mareykanku ee ku saabsan dagaalka muddada dheer socday ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine