Itoobiya oo casriyaynaysa gaadiidkeeda badda xilli ay raadinayso marin biyood Dowladda Itoobiya ayaa gaadiidkeeda biyaha ku billowday casriyayn, ayadoo doomo cusubi ay billaabeen inay u kala safraan magaalooyinka dalkaas, ayadoo la adeegsanayo Harada Tana. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Labo Markab oo Shidaal Qaada oo Ruushka Leeyahay oo Lagu Qarxiyay Badda Madow Labo markab oo shidaal qaada, kana tirsan maraakiibta Ruushka ee loo yaqaan shadow fleet, ayaa lagu qarxiyay meel aan ka fogeyn xeebaha Turkiga ee Badda Madow.
1 daqiiqo ka badan 300 oo ku geeriyooday daad ku dhuftay dalka Indonesia ka badan 300 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen daadad ba’an oo ku dhuftay Indonesia, kadib roobab xoogan oo oo socday maalmo xiriir ah iyo duufaanno.
2 daqiiqo Eritrea oo si adag uga Jawaabtay Sheegashadii Itoobiya ee aheyd in Taliyaha AFRICOM uu taageeray damaca Addis Ababa ee ku wajahan Badda Cas. Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay ka been sheegtay Safarkii Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen Anderson uu ku tagey Addis Ababa iyo kulamadii uu la qaatay Ra’iisul wasaarebAbiye Axmed iyo Taliyaha Milatariga ee dalka Itoobiya.
3 daqiiqo Madaxweynihii la afgambiyay ee Guinea-Bissau oo gaaray dalka Senegal Madaxweynihii la afgambiyay ee Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embaló, ayaa gaaray dalka Senegal, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Senegal.
1 daqiiqo Trump oo cambaareeyay toogashada labo Askari oo ka tirsanaa ilaalada qaranka Mareykanka Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka (National Guard) la toogtay, iyadoo warbixin uu soo dhigay madaxweynaha Donald J. Trump uu ku sheegay in labada askari ay yihiin kuwo si daran u dhaawacmay, laguna dabiibayo laba isbitaal oo kala duwan.
2 daqiiqo Militariga Guinea-Bissau oo sheegay in ay xilka ka rideen Madaxweyne Embaló Saraakiil ka tirsan ciidamada Guinea-Bissau ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen awoodda dalka, kaddib markii warar soo baxay ay sheegeen in madaxweyne Umaro Sissoco Embaló la xiray.
2 daqiiqo Itoobiya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay helitaanka Badda Cas iyo xasilloonida Geeska Afrika Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil sare oo millateri ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay General Dagvin R.M. Anderson oo ka tirsan Taliska AFRICOM ee Maraykanka, iyagoo diiradda saaray qorshaha Itoobiya ee raadinta marin badeed iyo iskaashiga amniga gobolka.
1 daqiiqo DDS oo sii daysay 121 qof oo sharci-darro ugu xirnaa saldhigyada booliska Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ay xorriyadda u fasaxday 121 qof oo muddo si sharci-darro ah ugu xirnaa saldhigyo kala duwan oo ku yaal deegaanada maamulkaas. Sidoo kale, waxaa cafis loo fidiyay laba wariye oo ka mid ahaa dadka xirnaa.
2 daqiiqo Turkiga oo Xirey Mas’uuliyiin lagu eedeeyay Basaasnimo Dowladda Turkiga ayaa xiray saddex sarkaal oo ka tirsan shirkadaha difaaca, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay u basaasayeen dalal shisheeye, sida ay ku warantay xeer-ilaalinta magaalada Istanbul.