U bood dhigaalka

QM Oo Cambaareysay Weerarkii Shalay Ee Hotelka Dayax

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Arbacadii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, halkaasi  oo khasaare kala duwan ay ka dhalatay.

Joseph Contreras oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xunyihiin, islamarkaana ay tacsi ka dirayaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintey weerarkaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenkan in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

QM waxay ugu baaqdey hay’adaha ammaanka dalka in ay dedaal dheeraad ah bixiyaan, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan xooggan si amniga dalka aanu faraha uga bixin.

Contreras ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin weerarada Al-shabaab ay ku qaadayaan Hoteellada Muqdisho isaga oo ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iney la timaado qorsheyaal adag oo wax looga qabanayo amniga guud.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootey 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah oo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay maalintii shalay ahayd ku qaadeen Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News