U bood dhigaalka

Qodobada Looga Hadlay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada 

Sheeko:Dalka

Shirka wadatashiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada oo si aan kala go’ laheyn Muqdisho loo fadhiyay muddo 4 maalmood ah ayaa galabta la guda-galay arrimo la xiriira amniga, waxaana la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw shirka ayaa Goobjoog News u sheegay qodobada illaa iyo hadda laga hadlay, kuwa doodaha badan laga galay iyo meelaha u baahan weli arrimo farsamo.

Qodobada Doodda Adag Laga Galay:

Qodobka la xiriiray xoojinta wada shaqeynta iyo xallinta arrimaha taagan ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedka, maamul goboleedyo ay ka mid yihiin Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka sheektay faragelin ay sheegeen in ay ku hesyo xukuumadda federaalka ah, arrimahaasi oo weli u harsan howlo farsamo iyo wada hadal dheeraad ah.

Weli xal lagama gaarin hannaanka federalism-ka gaar ahaa qodobo la isku heysto fasiraadooda ee dastuurka kaas oo sida muuqato loo dib u dhigi-doono madal kale iyo in la dar-dargeliyo dib-u-eegista dastuurka.

Arrimaha Mashaariicda: Maamul goboleedyada qaar waxaa ay sheegeen in aaney helin wax qoondo ah oo ku saabsan miisaaniyadda ama maaliyad midna, iyada oo dalbaday in la hirgeliyo hannaan waxqeybsi oo hufan.

Dowladda federaalka ah ayaa cago-jiideysa in ay aqoonsato Golaha Dowlada Goboleedyada, waxaana jirta dood ku saabsan in magaca golaha lagu sheego war-murtiyeedka iyo in kale.

Ugu dambeyntii shirka ayaan la ogeyn in la soo gabagabeynayo saacadaha soo socda iyo in uu geli-doono maalmaha soo socda, waxaana jira guddi fursamo oo ku mashquulsan qaabeynta war-murtiyeed dhinacyada ay raalli ka yihiin.

Arriamaha shirka, Kala Soco, Goobjoog News