U bood dhigaalka

Qodobbada Ugu Muhiimsanaa Khudbadihii Ciilmooge, Cosoble Iyo Cali X. Warsame

Sheeko:Dalka

Waxaa gellinkii dambe maanta Xildhibaannada ka hor hadley ilaa 3 murashax, kuwaas oo kala ahaa: Cabdulahi Ciilmooge Xirsi, Cabdiqadir Cosoble iyo Cali Xaaji Warsame:

Cabdulahi Ciilmooge Xirsi

Cabdulahi Ciilmooge, waxaa uu sheegey in uu sameyn doono system, taasi uu sheegey in aaney ka jirin Soomaaliya, waxaa uu tusaale u soo qaatey labo magaalo oo daris ah oo ku yaallo dalalka Mareykanka iyo Mexico oo midi ay tahay magaalo barwaaqo ah midna ay dhimanayaan farqigana uu yahay nidaamka u dhaxeeya.

Ciilmooge waxaa ballan-qaadey in AMISOM uu kala hadli doono joogitaankeeda, ku dadaali doono midnimada dalka, sugidda ammaanka, dalka in uu ka fulin doono dib u dhis, waxaa uu sidoo kale sheegey in uu shacabka hubka ka dhigi doono iyo in uu mamnuuci doono shirkadaha gaarka ah ee hubka sita.

Cabdiqadir Cosoble Cali:

Cabdiqadir Cosoble oo Xildhibaannada la hadley waxaa uu u sheegey in uu dalka ku hoggaamin doono horumar oo ka maran hoggaan xumi iyo jahawareer.

Cosoble waxaa uu qabaa in dalka u baahan yahay hoggaan karti leh, la dagaalama musuqa iyo boobka hantida shacabka, isagoo tusaale u soo qaatey dhibaatooyin jirey mudadii la soo dhaafey.

Haddii uu guuleysto waxaa uu sheegey in uu wax badan ka qaban-doono adeegga bulshada, amniga iyo cadaaladda, sameynta garsoor qaran, daryeel ciidan, dhalinyrada iney qeyb ka noqdaan maamulka, dhismaha guddi garsoor qaran, dhismaha dhaqaale adag iyo wax ka qabashada bey’ada, sharciyo in uu u sameyn doono maalgeshiga, wax soo saar iyo warshado, waxaa kaloo uu ballan-qaadey dhismaha guddi run sheeg ee dib u heshiisiin, arrimaha dibadana wixii dan ugu jirto dalka, dadka iyo diinta.

Cali Xaaji Warsame:

Ugu dambeyntii, waxaa Xildhibaannada la hadley murashax Cali Xaaji Warsame, murashaxan waxaa uu ku dheeraaday khibradda uu u leeyahay maamulka iyo maareynta, sida uu u soo hogaamiyey dhaqaalaha Imaaraadka, shirkadda Golis iyo xitaa wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland oo uu sheegey in uu kacdoonka ka dheereeyay, waxaa uu kala saarey mas’uuliyadda madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, waxaa uu balla-qaadey haddii la doorto in uu ilaalin doono sharciga, dastuurka, dhexdhexaadin siyaasadeedm, dhismaha dalka lin uu a kaashan doono dadka aqoonta leh, soo celinta xuquuqda iyo uruurinta maamullada.

Cali Xaaji waxaa uu xukuumadda fulin doontaa sida uu sheegey dhismaha ciidan ku dadaala in AMISOM ay dalka uga baxdo 2 sano gudahood,  adeegga bulshada, in dhalinyarada laga hor istaago iney baxaan, waxbarasho, dhismaha guddi la dagaalo musuqa, iney awood yeeshaan hanta dhowrka iyo xisaabiyaha guud.

Ugu dambeyntii waxaa Cali Xaaji Warsame kula dardaarmaey Xildhibaannada iney doortaan qofkii ay u arkaan in uu dalka anfacaayo, ee aan qofka lagu dooran lacagta uu heysto, waxaa uu ka Hadley maqaamka caasimadda iyo in uu ka dhigi doono magaalo bilicsan oo dadka oo dhan ka dhaxeysa isagoo ballan-qaadey in haddii la doorto aanu isa soo sharixi doono mar kale.

Goobjoog News