U bood dhigaalka

Qodobo Muhiim Ah oo Laga Soo Saaray Shir Arrimaha Deegaanka oo Lagu Qabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qodobo muhiim ah ayaa laga soo saaray shir ay ka qeybgaleen wasaaradda dhirta iyo daaqa iyo xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka, maamul goboleedyada mas’uuliyiin ka socdey iyo waliba hey’adaha caalamiga ah kaasi oo looga hadlay arrimaha deegaanka, gaar ahaan xaalufinta lagu hayo deegaanka.

Waxaa si gaar ah looga hadlay jarista dhirta iyo dhubista dhuxusha oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta deegaanka Soomaaliya.

Wasiirka dhirta iyo daaqa iyo xanaanada xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa yiri “Hadii dhirta la xaalufiyo ma suurta galayso in xooluhu ay helaan daaq ku filan, aduunka xoolaha la dhoofinayo waxaa lagu qiimeeyaa culayskooda, Lo’da marka la dhoofinayo  waxaa laga rabaa 300 kg, Arriga 30kg, xoolaheena dhibka haysta waxaaa dhacda marar badan in miisaankooda uusan  buuxin si meel kasta loogu dhoofiyo”.

Ugu dambeyntii shirka ayaa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo la’isku raacay

  1. Dajinta siyaasad iyo sharci laga dhaqan galiyo dhamaan dalka oo dhan.
  2. Dhaqangalinta galiyo qaraarkii golaha Ammaanka oo lagu joojinayey dhoointa dhuxusha Soomaaliya oo No: 2036 soona baxay sanadii 2012.
  3. Aqoon kororsi loo sameeyo laamaha dowladda iyo bulshada inteeda kale si meel loga soo wada jeesto ka hortaga xaalufinta dhirta.
  4. In shaqooyin loo abuuro dadka jilicsan oo iyagu ah kuwa ku lugta leh ka ganacsiga dhuxusha.
  5. In la helo waxyaalo kale oo looga maarmo adeegsiga dhuxusha oo ay dadku wax ku karsankaraan.
  6. In wada shaqayn la helo ka dhaxaysa dowlada federaalka iyo maamulada gobolada iyo wadamada dariska ah.
  7. Dhulkii la xaalufiyey in dib dhir loogu talaalo.

Goobjoog News