U bood dhigaalka

Qoysas Biyo La’aan Ku Haysato Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa waxay sheegayaan in qoysas badan ay biyo la’aan ku hayso deegaanno duleedka ka ah magaaladaasi.

Ceelashii ay dadkani biyaha ka cabi jireen ayaa la sheegayaa iney gureen, sidoo kalena ay ku adkaatay in gudaha magaalada ay biyo kasoo qaataan.

Maamulka Jubbaland ayaa wado dadaal badan oo biyo lagu gaarsiinayo dadkan, waxaana la arkayaa maamulka oo Booyado biyo ah ku diyaarinaya Kismaayo.

Mas’uuliyiinta Kismaay ayaa sheegay in dadkan ay gurmad biyo dhaamin degdeg ah u sameynayaan si aanay noloshooda dhibaato usoo gaarin.

Qaar kamid ah dadka Biyo la’aanta ku hayso duleedka Kismaayo ayaa sheegay in ku dhowaad 7 cisho ay ciriir biyo ku jireen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News