U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Degmada Qandala, Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan  in halkaasi ay ka barakaceen Qoysas badan oo muddo halkaasi ku noolaa.

Waxay qoysaskan u barakaceen deegaanno ku dhow magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,  kadib markii ay ka baqeen in mar kale degmadaasi ay ku laabtaan Daacish,  islamarkaana dagaallo ay ka dhacaan.

Dagaalyahannadii la wareegey degmadaasi ayaa la sheegay in meello badan ay sii dhigeen difaacyo, taasi oo keentay in shacabka ay shaki ka muujiyaan in   mar kale dagaalyahannadan halkaasi kusoo laabtaan.

Dadka ka barakacay Qanadala, qaarkood waxay Goobjoog News u sheegeen in degmadaasi aaney ku laabaneyn illaa isbedal ballaaran oo dhanka amniga ah ku sameeyo maamulka Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay dhankooda in degmada Qandala aaney hadda wax dhibaato ah ka jirin,  islamarkaana ay ku raadjoogaan dagaalyahannadii qabsadey.

26-kii bishan dagaalyahanno la sheegay iney ka tirsanyihiin ururka Daacish ayaa qabsaday degmada Qandalla oo ay haysteen in  ka badan 12 saac, iyaga oo ugu dambeyn si iskood ah uga baxeen degmadaasi.

Goobjoog News