U bood dhigaalka

Qoysas Kasoo Barakacay Galbeedka Hiiraan Oo Soo Gaarey B/weyne

Sheeko:Dalka

Qoysas badan oo kasoo barakacay roobab dabaylo iyo daad wata oo ka da’ay deegaanno ku yaalla galbeedka gobolka Hiiraan ayaa soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qoysaskan oo u badan haween iyo carruur ayaa guryihii ay deganaayeen waxaa la tagey daadkii, waxaana dadku ay maciin bideen in naftooda kula soo cararaan B/weyne.

Maryan Axmed Cali, waa hooyo haysata 6 carruur ah, waxay kusoo barakacday magaalada B/weyne, waxayna ku biirtay barakacayaasha ku sugan kaamamka magaaladaasi, iyadoo Goobjoog u sheegtay iney lasoo kulantay xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

“Aniga iyo dad badan waxaa nasoo barakiciyey daad kusoo rogmadey guryaheenna, waxaan la kulannay xaalado adag oo dhanka nolosha ah, dharka aan xirannahay bes baa inoo badbaaday, naftuna B/weyne ayeey na keentay” ayeey tiri Maryan.

Waxa ajira qoysas kale oo iyaguna weli ku go’doonsan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan kadib roobab dabaylo watay oo ka da’ay deegaannadaasi.

Goobjoog News