U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Oo Maanta Ku Dhawaaqaya Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu ku dhowaaqo golaha wasiirada ee xukuumaddiisa.

Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Goobjoog News, u xaqiijiyey in saacadaha soo aadan la magacaabayo wasiiradan.

Saxaafadda ayaa looga yeeray xafiiska Ra’iisul wasaaraha arrimo la xiriira xubnahan lasoo magacaabi doono.

23-kii Febraayo 2017, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilka Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

March 1, 2017 Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa codka kalsoonida si aqlabiyad leh uga helay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News