U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Gaarey Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu gaarey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wararka waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Jubbaland ay shir albaabada u xiran ku leeyihiin Garoonka Kismaayo, lamana oga shirkaasi waxa ay uga hadlayaan.

Wariyeyaasha ayaa banaanka ka jooga shirkay, iyadoo in ka badan Saacad uu shirkaasi socdo.

Waxaa la filayaa in markii shirkaan uu soo dhammaado uu Ra’iisul wasaare Cumar iyo Madaxweyne Axmed Madoobe saxaafadda uga warbixiyaan waxyaabihii ay ka wada shireen iyo ulajeedka safarka Ra’iisul wasaaraha ee Kismaayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News