U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Kulamo La Leh Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa kulamo kala duwan waxa uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay ka wada hadleen daminta dagaallada Gaalkacyo iyo sidoo kale nabad kusoo dabaalidda magaaladaasi.

Waxa uu Ra’iisul wasaare Cumar kulamo la qaadanayaa ku xigeenka madaxweynaha Puntland Injineer Camey iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan maamulkaasi.

Arrimaha ugu muhiimsan ee uu kala hadli doono mas’uuliyiintan ayaa ah sidii loo dardar gelin lahaa xabad joojin ka dhaqan gasha Gaalkacyo iyo sidoo kale sidii dib loogu wada hadli lahaa miiska wada hadalka.

Ra’iisul wasaare Cumar waxa uu sheegay shalay in wada hadalka Labada dhinac uu si toos ah u billaaban doono marka madaxweyne Gaas uu kasoo laabto safar uu u aadey dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.

Waa markii Labaad oo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ku baxo dagaallo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug, waxaana uu baadigoob ugu jiraa nabad ka dhalata magaaladaasi.

Goobjoog News