U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Dalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay saacadaha soo aadan ee maanta u ambabaxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Warar ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha uu halkaasi uga qeybgali doono shir muhiim ah oo ay leeyihiin madaxda IGAD.

Lama oga weli ajendaha shirkan, maadaama aan horey loo sii shaacin, balse Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugnaan doona Addis Ababa muddo Afar maalin ah.

Safarka Ra’iisul wasaare Kheyre ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii Labaad ee halkaasi uu ku tago, kadib markii uu kasoo qeybgalay shir madaxda IGAD ku lahaayeen halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News