U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waa Dhab Inaan Ad Adagnahay” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay dhaliilaha mararka qaar loo jeediyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan dhaliil walbo oo wax lagu dhisayo.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in cid walbo oo wax dhaliileyso lasoo dhoweynayo, balse wuxuu hoosta ka xarriiqay in dhaliilahaasi kaliya ay noqdaan kuwo dalka horumarkiisa looga shaqeynayo.

Kheyre ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay dhaliilaha loo jeedinayo dowladda inaanay ahaan mid dan shaqsi ku jirto ama la doonayo in lagu dumiyo nidaamka dowladnimo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in ay ad adag yihiin, kuna ad adag yihiin shuruucda dalka iyo ilaalinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

“Waan soo dhoweynaayaa qof walbo oo Soomaaliyeed oo na dhaliilaysa, haddii aan nala dhaliilin ma wanaagsanaaneyno, haddii aan nala dhaliilin shaqadeenna maka sii wanaagsanaaneyso meesha hadda aan joogno, in nala tilmaamo, in nala dhaliilo, in nala toosiyo aad baan u ogolnahay, dhaliishu laakiin waa iney ahaataa mid ah waxaan rabnaa dalka inaan sii hagaajinno, dhaliishu ma ahan iney ahaato mid ah dan shaqsi ama qof shaqsi ah oo dan gooni ah ku raadsanaya inuu dhaliilo dowlad ama nidaam Soomaaliyeed, inaan ad adag nahay waa dhab waxaan ku ad adagnahay shuruucda wadanka, ilaalinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, dib u yagleelidda dowladnimada, waxaan aaminsanahay dadka Soomaaliyeed iney yihiin dad hammi iyo qab leh” ayuu yiri Ra’iisul asaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa jira siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aan la dhacsaneyn hannaanka ay xilligaan shaqada u waddo dowaldda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News