U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Turkiga Oo Muqdisho Yimid

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo mas’uuliyiin kale oo DFS ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay madaxdan soo gaartay Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho uu la kulmo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena uu booqdo xerada Miltari ee Turkiga ku tababbaro ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kal.

Goobjoog News