U bood dhigaalka

Sacuudiga Oo Madax Furasho Ku Siidaayey Qaar Ka Mid Ah Maal-qabeenadii U Xirnaa

Sheeko:Dalka

Madaxda Sacuudiga ayaa siidaayey Amiir Mutaib bin Abdullah oo ahaa wasiirkii hore ee ilaalada qaranka Sacuudiga ka dib 3 todobaad  oo uu xirnaa sida ay sheegeen mas’uuliyiin sacuudiyiin ah.

Mas’uul sare oo ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in Amiir Mutaib bin Abdullah siideytiisa ay timid ka dib markii lagula heshiiyey inuu bixiyo lacag ka badan 1 bilyan.

Ilo wareedyo horu dhac ah ayaa waxay sheegayaan in madaxda Sacuudiga ay heshiis la galeen maalqabeennada ay heystaan,kaasi oo ah in lacag ay ku badashaan xoriyadooda.

Madaxda Sacuudiga ayaa 4 November waxay xabsiga dhigeen toban qof oo is kugu jira amiiro hore wasiiro boqortooyada ka tirsan ganacsato kuwaas oo lagu eedeeyay inay lagaha kula jiraan musuq-maasuq.

Boqorka sacuudiga ayaa ku dhawaaqay olole lagu soo xirxirayo dadkaani waxaa uuna magacaabay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Dadka la soo qabtay ayaa waxay gaarayeen 11 qof oo amiiro ah waxaana ku jira ganacsadaha billionairka ah ee Al-Waleed bin Talal