U bood dhigaalka

Saddex Qodob Oo Diiradda Lagu Saari Doono Shir Madaxeedka IGAD Ee Ka Furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir madaxeedka dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadli doono.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa Saddex qodob oo hadda ah Ajendaha ugu muhiimsan ee shirka, waxaana qodobadaasi falanqeyn doona madaxda shirka isugu imaaneysa.

Arrimaha Soomaaliya

Waxaa shirkan lagu falanqeyn doonaan arrimaha Soomaaliya sida doorashooyinka iyo amniga, waxaana sidoo kale lagu soo hadal qaadi doonaa horumada ay Soomaaliya sameysay.

South Sudan (Koonfurta Sudan)

Madaxda IGAD waxay falanqeyn ku sameyn doonaan sidoo kale xasaradaha ka jira dalka Koonfurta Sudan, waana arrin si gaar ah looga hadli doono, iyadoo aanay ka marneyn dadaallada nabadeed ee ururku ku leeyahay dalkaasi.

Ishaashiga iyo xiriirka dalalka ku bahoobay IGAD

Qodobka Saddexaad ee madaxda IGAD ka hadli doonaan waxaa ka mid ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dalalka ku bahoobay ururkan, sidoo kalena la iska kaashado arrimaha dhaqaalaha, nabadda iyo kuwo kale oo badan.

Shirkan waxaa la filayaa iney kasoo qeybgalaan madaxda dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Soomaaliya oo shirka martigelinayso.

Waa markii  ugu horreysay oo magaalada Muqdisho shir ku yeeshaan madax ka socota dalalka Afrika wixii ka dambeeyay burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Amniga guud ee magaalada Muqdisho waa mid aad loo adkeeyay, waxaanaa guud ahaan magaalada lasoo dhigay ciidamo farabadan.

Goobjoog News