U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Lagu Dilay B/weyne Iyo Xiisad Ka Jirta Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Xiisado dagaal ayaa ka taagan maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan halkaas oo ay isu hayaan Labo malleeshiyo beeleed.

Xiisaddani dagaal ayaa salka ku heysa dilal ka dhacay miyiga dhanka galbeed ee magaalada Baladweyne waxayna saameysay xaafadda Howlwadaag oo laga dareemayo colaadda Labada beel.

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag ayaa sheegaya in xalay Saddex qof oo shacab ah xaafaddaasi lagu dilay.

Dilalkani ka dhacay xaafadda Howladaag ayaa daba socda dilal horay uga dhacay dhanka galbeed ee Baladweyne gaar ahaan dhulka miyiga ah.

Adeegyada bulshada qeybo kamid ah magaalada gaar ahaan halka ay colaadda beelaha ka taagan tahay ayaa maanta hakad ku jira sida ganacsiga, waxbarashada iyo kuwa kale oo albaabada la isugu dhuftay.

Degaanno dhowr ah oo magaalada Baladweyne kaga beegan dhanka galbeed ayaa la soo sheegayaa in colaadda beelaha u dhaxeysa ay ka jirto taasoo ugu dambeyn shalay saameyn ku yeelatay magaalada dhexdeeda oo maanta adeegyadii bulshada hakad ay u galeen.

Maamulka gobalka Hiiraan, kan magaalada Baladweyne iyo saraakiisha ciidamada ayaa weli ka hadlin xiisadda dagaal ee ka jirto magaaladaasi.

Goobjoog News