U bood dhigaalka

Sanbaloolshe: Dowladda Hal Milyan Ayeey Ku Bixisay In Doorashada La Iiga Adkaado (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in hal malyan oo lacag ah ay ku bixisay inuu waayo kursigii gollaha shacabka ee uu todobaadkii hore uga qeyb galay magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii 28-kii bishii January uu ku waayay kursigii Xildhibaannimo ee uu horay u baneeyay, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay farogelin ku sameysay doorashada ka dhacday Jowhar.

Dowladda ayuu sheegay iney ku bixisay Lacag dhan Hal Milyan oo doolar si isaga loogaga adkaado doorashada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Sanbaloolshe oo la hadlay VOA ayaa sheegay inaanu ku faraxsaneen sida ay wax u dhaceen ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda ay farogelin toos ah ku sameysay doorashadii ka dhacday Jowhar.

“Kuma faraxsani laakiin inaan aqbalo wey tahay, waxaan aaminsanahay waxyaabaha keenay in kursiga aan waayay waxaa aas aas u ah Saddex arrin, guddiga doorashooyinka habka ay doorashada u wadeen oo ay muddo jiidayeen, mar hore ayeey ahayd in ay qabtaan doorashada, sidaan aaminsanahayna dowlada ayaa farogelin ku heysay, hadana si toos ah dowladda ayaa farogelin usoo sameysay oo gacan muuqata oo maaliyadeed siisay ninka kursiga iga qaaday, tan kale waxay tahay dadka wax dooranayaan oo wacyi badan lahayn oo waxa la isku haysto waxbadan ka fahamsaneyn oo sumeysay maalgelintii ama dhaqaalihii dowladda ee meeshaasi keentay….dowladda oo sheegtay in musuqa la dagaalanto haddii ay Hal kusri geliso wax ka badan Hal Milyan waad la socotaan waxa dalka ka jira” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Ugu dambeyn, C/laahi Sanbaloolshe ayaa guul daradii kasoo gaartay doorashadii ka dhacday Jowhar ku tilmaamay iney ahayd weerar siyaasadeesan oo kaga yimid dhanka madaxda sare ee dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News