U bood dhigaalka

Sanduuqa Dib u Dhiska Soomaaliya oo La Qorsheynayo in La Furo

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa Goobjoog News u sheegey in dhawaan la qorsheynayo in la furo sanduuq dib u dhib u dhiska Soomaaliya, kaasi oo dadka Soomaaliyeed dibad iyo gudahaba ay lacag ugu yaboohi doonaan.

Agaasimaha waaxda Qurba-joogta ee wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kamatiirey oo marti ku ahaa barnaamijka Jimcaale ee ka baxa Goobjoog FM ayaa sheegey in mashruuca loogu magacdaray “Hal Doolar” taasi oo micnaheedu yahay in dadka ay ku bahoobahayaan lacag hal doolar ah.

“Waxaan ku talo jirnaa in aan sameyno olole la yiraahdo One Dollar ama Hal Doolar, oo ah qof kasta oo Soomaaliyeed oo qurba-joog ah meeshuu rabo ha joogo in uu bil kasta bixiyo hal doolar, waxaa laga yaabaa in la is yiraahdo doolarkaasi ma badanayaa, laakiin waxaan ogahay tirada dadka Soomaaliyeed, agtoodana uusan doolarka micno badan ka lahayn, kafee ayay ku cabbaan dadka halkaasi jooga, in qof kasta iska bixiyo, dowladda Soomaaliyeedna aysan gacanta la gali doonin, ay kaliya fududeyn doonto, dadka Soomaaliyeedna iyaga wadan doonaan hawshooda ” ayuu yiri Kamatiireey.

Cabdikaxiim Yuusuf Ceynte oo ah la taliyaha waaxdani ayaa dhankiisa sheegey in barnaamijkani yahay mid lagu dhisey waddamo badan oo burburey, isaga oo tusaale usoo qaatay dalka Rwanda oo qurba-joogtooda lacaha ay bixiyaan lagu hirgaliyey mashruucyo farabadan.

Siyaasadda Qurba-joogta

Dhanka kale mas’uuliyiintani waxa ay ka hadleen halka ay marayso hawsha ah dajinta siyaasad cad oo ay Soomaaliya ku wajahdo qurba-joogta si looga faa’iideysto waxtarkooda, dibna dalka ay maalgashi ugu samaysan karaan. Waxa ay sheegeen in siyaasadaasi dajinteeda ay meel wanaagsan mareyso, sanadka marka uu dhamaadana la dhameystiri doono.

Waxa ay soo hadal qaadeen in isbadal lagu samaynayo mashruuca dib dalka loogu soo celinayo aqoontii iyo maskaxdii dalka ka guurtey, kaasi oo hadda ay ka shaqayso IOM, balse aanan u shaqeynin sidii la rabay.

Goobjoog News