U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Galmudug iyo Waxgarad Ku Guuleystay In La Kala Celiyo Geel La Kala Dhacay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu guuleystay in dib loo kala celiyo geel ay iska kala dhaceen dad xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Saraakiisha ciidamada Galmudug iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ayaa maalmahan ku howlanaa sidii loo kala celin lahaa geel fara badan oo dadkaasi xoolo dhaqatada ah ay kala dhaceen sanadihii la soo dhaafay.

Taliyaha saldhigga degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cawil Axmed Rooble ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaasi xoola dhaqatada ah ee ka soo kala jeeda labada maamul xoolihii ay kala dhaceen look ala celiyay.

Geelahan oo fara badnaa ayaa sanado murankiisa uu taagnaa iyadoo inta badan muddo gaaban kadibba ay kala dhici jireen dadka reer guuraaga ah ee deggan miyiga fog ee gobolka Mudug.

“Maanta waxaa la kala celiyay geel badan oo dadka xoolo dhaqatada ah ay kala dhaceen, waxaana  kaalin fiican ka qaatay salaadiinta labada dhinac, waxaana ka shaqeynaynaa in aysan dib dambe u soo laaban oo arrintaas aysan dhicin” ayuu yiri taliyaha.

Wuxuu sheegay in geelka la kala dhacay ay ku jiraan geelii dhowaan sababay dagaalladii ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha dhinacyada Galmudug iyo Puntland ee wada deggan gobolka Mudug ayaa maalmihii dambe ku howlanaa xallinta geela la kala heystay xiisadihii uu ka abuuray dhanka Bari ee gobalka Mudug.

Goobjoog News