U bood dhigaalka

Saraakiisha dowladda ee gobolka Sh/dhexe oo faahfaahiyay halka ay ku sii jeedaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha hogaamineysa dagaalka ka socda gobolka Shabeellaha dhexe ayaa shaaciyay natiijada dagaalkaasi iyo deegaanada ay ku sii jeedaan.

Taliyaha ciidamada dowladda qaybta 12-aad ee April Jeneral Maxamed Maxamuud Qaafow ayaa isaga oo u waramay Goobjoog FM waxa uu sheegay in ciidamada howlgalka midowga Afrika AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe tan iyo markii uu bilowday howl galka Badweynta Hindiya.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay tageen ciidamadu deegaano uusan dagaal ka dhicin kadib markii uu sheegay in ay ogaadeen in ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab isaga oo tilmaamay deegaanada kale ee ka maqan gacanta ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha dhexe ee howl galku uu ku wajahanyahay.

Hoos ka dhageyso codka Jeneral Maxamed Maxamuud Qaafow: