U bood dhigaalka

Sargaal Sare oo Ka Tirsan Ciidamada Jubba oo Qarax Lagu Diley

Sheeko:Dalka

Col. Mursal Geeddi oo ahaa taliyaha ururka koowaad ee ciidamada Jubbaland ee aagga Buulo Guduud ayaa maanta ku dhintey qarax miino oo loo dhigey jidka xili uu kusii jeedey furumaha dagaalka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu muhiimsan ee dagaalgalinta ciidamada xili dhamaadka bisha Luuliyo la filayo in duulaan lagu qaado xooggaga Alshabaab oo heysta meelo ka mid ah gobolada Jubbooyinka.

Qasaaraha noocan oo kale ah waa mid dhif iyo naadir ah in uu soo gaaro ciidamada Jubbaland, waxaana mas’uuliyadda falkani looga shakisanyahay in ay Alshabaab ka dambeysey.

Wararkii ugu dambeeyey ee soo baxaya waxa ay shegayaan in dad loo xirey qaraxa uu ku dhintey sargaalka.

Gobjoog News